Anna palautetta PoistuNopea poistuminen Siirry sisältöön

Waa maxay dambiga cunsurinnimada? Talooyin loogu talaggalay dhibbanayaasha

somali

Cunsuriyaddu ma ahan dhibaato u gaar ah ah shakhsi ama bulsho oo keliya, ee waa mid si intaa ka ballaaran saamayn ugu yeelanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada. Dhibbanayaasha waxaa loogu talaggalay taageero iyo caawimaad.

Mararka qaarkood ayaa falka cunsurinnimada ama takoorku waxaa uu noqonayaa mid soo buuxiyay astaamihii lagu aqoonsanaayay dambiga. Si kastaba xadka arrinkaas uu leeyahay ma ahan mid mar walba cad. Boggaan waxaa looga hadlayaa dambiyada cunsuriyadda ah, waxyaabaha arrinkaas ka dhalanaaya sharci ahaan iyo sidii lagu heli lahaa caawimaad.

Haddii aad tuhunsan tahay in aad la kulantay dambi cunsuriyadeed, waxaad la xiriirtaa booliska waxaad samaysaa wargelin dambi. Haddii aad tuhunsan tahay takooris, waa inaad la xiriirtaa xafiiska wakiilka sinnaanta iyo caddaaladda. Heeganka dhibbanaha dambiga ayaad ka heli kartaa taageero iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan tusaale ahaan, sida loo sameeyo wargelinta dambiga.

Sharciga Finland waxa uu ka qabo dambiga cunsuriyadda iyo waxyaabaha sharci ahaan ka dhalanaaya arrinkaas

Dambiga cunsuriyadda wax magac u gaar ah kuma dhex lahan sharciga dalkaan Finland, laakiin tusaale ahaan jirdilka, kacdoon gelinta loogaga soo horjeedo koox bulshada ka mid ah, aflagaaddo ama sharaf dhac, waxaa loo qaadan karaa in ay yihiin falal cunsurinnimo ah.

Dambiga cunsuriyaddu waa fal lagula kacaayo qof ama koox bulshada ka mid ah, iyadoo la beegsanaayo halka uu ka soo jeedo, midabka jirkiisa, dhaqankiisa ama sababao kale oo kuwaasi u dhigma. Dambiyada cunsuriyadda waxaa ay ka dhashaan ama sal u ah falal cunsuriyadeed, kuwaasoo caadi ahaan noqon kara kuwo noocyo kala duwan ah.

Haddii arrinku uu gaaro maxkamadda, eedeysnahana la xukumo, waxaa dhici karta in arrinkii salka u ahaa cunsuriyadda uu noqdo mid adkayn karta xukunka ciqaabta ee falkaas. Waxaa taas loola jeedaa haddii tusaale ahaan waxa jiridlka sababay uu yahay cunsurinnimo lagula kacay dhibbanaha, waxaa dhici karta in ciqaabtu ay noqoto mid aad u adag. Sababta keeni karta ciqaabta adag waa mid ka dhalata in loo arko in dambiyada cunsuriyadda ah ay yihiin kuwo lala beegsanaayo kooxaha laga tirada badan yahay ee u baahan ilaalinta gaarka ah.

Ciqaabaha ka dhasha falal dambiyeedka cunsuriyadda waa ay kala duwan yihiin, oo waxay noqon karaan kuwo u dhexeeya laga bilaabo ganaax illaa iyo xabsi, sidoo kale waxaa dhici karta in dhibbanuhu uu xaq u yeesho in la siiyo magdhowga khasaarihii dhacay.

Arrinka ku saaban takoorista, waxaa laga dejiyay sharciga sinnaanta iyo cadaaladda. Tusaale ahaan iyadoo la kaashaanyo xafiiska wakiilka sinnaanta iyo caddaaladda ayaa arrinka takoorista waxaa loo gudbinayaa guddiga qaabilsan arrimaha sinnaanta iyo cadaaladda yhdenvertaisuus- ja tasa-arvolautakuntaan . Waa hay’ad madaxbannaan oo aan cidna ku tiirsanayn oo qaabilsan xuquuqda badbaadada, taasoo ilaalinaysa sida sharciga sinnaanta iyo cadaalada.

Dambiyada cunsuriyadeed ee kala duwan

Dambiyada cunsuriyadda waxaa mideeya, in sababta fal dambiyeedka qofka loola beegsanaayo ay tahay mid ku salaysan asalka uu ka soo jeedo, midabka jirkiisa, dhaqan iyo wax kale oo kuwaas u dhigma. Ficil ahaanna waxaa jira falal kala duwan oo ay dhici karto in loo arko inay yihiin dambi cunsuriyadeed. Kuwaas waxaa ka mid ah tusaale ahaan:

  • Ku xadgudub sharafeed, ama hanjabaad sharci darro ah oo loo yiri si af ahaan ah oo cunsurinnimo ku salaysan: Tusaale ahaan ku qaylin ama magac ama naanays xun ugu yeeris
  • Takooris ka dhacda goobta shaqada
  • Warbaahinta bulshada oo lagu soo qoro hadalllo kicin ah oo loogaga soo horjeedo koox bulshada ka tirsan.
  • Jirdil: Xoogmuquunis jirahaaneed (Fyysinen väkivalta), kaasoo ay la socdaan sababo cunsuriyadeed

Inkastoo aanay weli caddayn ilaa iyo inta uu gaaraayo adka xeerka ciqaabta, haddana cunsuriyadda iyo takooristu waxaa ay ku yeeshaan saamayn dhanka saykolojiga ama cilmi nafsiga ah dadka lagu sameeyay arrinkaas. Cunsuriyadu waxaa ay dhibbanaha dambiga u saamaysaa qaabab kala duwan, sidoo kale dhibbanayaasha dambiga cunsuriyadda waxaa dhici karta in ay yihiin kuwa u baahan taageerada khaaska ah.

Soo sheeg dambiga oo caawimaad raadso

Sannadkii 2022-kii waxaa ay boolisku diiwaangeliyen 1245 warglin dambiyeed, kuwaaso ku saabsanaaa tuhunka la xiriira dambiyo colaad ama isir nacayb ah. Waana in ka badan 21 %, intii ay ahaayeen sannadkii 2021-kii. Afar meeloodoo saddex ka mid ah wargelinnadaas dambiyeed waxaa ay ahaayeen tuhun la xiriira falal dambiyeed asalkoodu ku salaysan yahay Jinsiyadda ama halka uu qofku asal ahaan ka soo jeedo. Halkaan ka akhri faahfaahinta dheeraadka ah: Machadka tacliinta sare ee booliska Poliisiammattikorkeakoulu: Dambi colaadeedyada Viharikokset

Waxaa jira kuwo badan oo ah dambiyo colaad iyo takooris ku salaysnaa oo aan la soo sheegin.

Sida ay sheegeyso caddayn ay samaysay wasaaradda caddaaladda sannadkii 2022-kii, dadka la kulmay qashqashaadda ama hadallada colaadda leh 30% oo keliya ayaa arrinkaas u sheegay hay’ad ka mid ah kuwa dowladda. Halkaan ka akhri faahfaahinta dheeraadka ah ee arrinkaan ku saabsan:  Caddaynta ku saabsan hadal colaadeedka iyo qashqashaaddada iyo saamaynta ay ku leeyihiin kooxaha kala duwan ee laga tira badan yahay Selvitys vihapuheesta ja häirinnästä ja niiden vaikutuksista eri vähemmistöryhmiin

In ay yaraato samaynta wargelinta dambiga waxaa sii kordhinaaya kalsooni darrada iyo ka dhex baxsanaanta bulshada ee ay dareemayaan dadka ajnabiga ah, kuwa laga tirada badan yahay iyo kuwa aan u dhalan dalkaan Finland ee bulshada ku dhex nool.

Dadka oo dhan waxaa ay xaq u leeyihiin in loola dhaqmo si sannaan iyo caddaalad ku dhisan. Xuquuqaha aasaasiga ah ee uu ilaalinaayo sharciga dalkaan Finland, waa kuwo khuseeya dhammaan dadka oo dhan. Dhibbanayaasha dambiga oo dhan waxaa ay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegyo taageero, kuwaasoo arrimaha la xiriira dambiga looga wadahadli karo si kalsooni iyo is aaminaad leh.

Hay’adda RIKU waxaad ka heli kartaa taageero iyo talooyin wax ku ool ah oo la xiriira nidaamka habsocodka dambiyada:

Haddii aad u baahan tahay turjubaan waxaa wanaagsan in aad sheegto marka aad codsanayso in lagula soo xiriiro. RIKU waxaa ay tixgelinta siin doonaan xaaladaha kala duwan, sida tusaale ahaan welwelka la xiriira sharciga degganaanshaha dalka ama ciqaamadda.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee arrinkaan ku saabsan halkaan ka akhri

Meelo kale oo intertnetka ah

Rasistiset rikokset