Lähestymiskielto-esite somalin kielellä (pdf)
Amarka u soo dhowaansho la’aanta iyo sida loo codsado
Hagis ku saabsan heeganka dhibbanaha dambiga ● 6 (waxaa la cusbooneysiiyey 19.10.2023) hagista iyo waraaqaha ku saabsan RIKU: riku.fi/oppaat
Amarka u soo dhowaansho la’aanta (Lähestymiskielto) waxaa codsan kara qof kasta oo u baahan ilaalinta nafta, caafimaadka, iyo xaqiijinta xoriyadda ama ka hortagga qashqashaadda. Amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa uu qofka la amray u diidayaa inuu la soo xiriiro ama si kaleba ugu soo dhowaado qofka naftiisa mamnuuciddaas lagu ilaalinaayo.
Mamnuuciddaan ma diidayso wada xiriirka munaasabka ah ee leh sababaha gaarka ah. Si kasta oo ay diidmadaan u jirto, haddana waxaa la oggol yahay tusaale ahaan, wadaxiriirka ku saabsan marka uu si degdeg ah u xanuunsado ilmaha ay mas’uuliyaddooda labada qof ka dhexeyso. Amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa uu shaqaynayaa ugu badnaan muddo sannad ah, sidoo kale amarka u soo dhowaansho la’aanta ee ka jira qoyska dhexdiisa, waxaa uu shaqaynayaa ugu badnaan muddo saddex bilood ah. Kuwaas waa la sii wadi karaa haddii loo baahdo.
KHARASHKA CODSIGA AMARKA U SOO DHOWAANSHO LA’AANTA
Maxkamadda hoose ayaa u amri karta qofka codsanaaya amarka u soo dhowaansho la’aanta in uu helo caawiye arrimaha maxkamadda oo kharashkiisa laga bixinaayo hantida dowladda, marka ay ujeeddada mamnuucistu tahay mid lagu ilaalinaayo qofka, haddii arrinka lagu saleeyay ay tahay tuhunka ah in qofkaan la ilaalinaayo ay naftiisa, caafimaadkiisa iyo xoriiyaddiisa soo waajihi karaan falal dambiyeed, islamarkaana u amrista caawiyaha ay tahay mid sabab leh, iyadoo tixgelinta la siinaayo khatarta iyo inta dambigu le’eg yahay, xaaladaha shakhsi ahaaneed ee qofka mamanuuciddaan lagu ilaalinaayo iyo arrimo kale.
Haddii sababta loo codsanaayo amarka u soo dhowaansho la’aanta ay tahay mid ku salaysan qashqashaadda awgeed, codsadaha isaga ayaa iska bixinaaya wixii kharash ah ee ka dhalan kara caawiyaha arrimaha maxkamadda. Xaaladda noocaan oo kale ah waxaad raadin kartaa suuraggalnimada ah inaad heli karto caawiyaha arrimaha sharciga ee xafiiska guud ee qareennada, waxaana helitaanka arrinkaas ay ku xiran tahay hantida iyo dakhliga qofka codsadaha ah iyo nooca kiiska ama arrinka laga hadlaayo. Codsiga amarka u soo dhowaansho la’aanta ma ahan in la iska daayo ama la iska joojiyo, xittaa haddii aysan qofka suuraggal u ahayn inuu isticmaalo adeegga caawiyaha arrimaha sharciga maxkamadda. Nidaam ahaan amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa maxkamadda loogu falanqeeyaa si buuxda, muhiimna ma ahan in qofku uu leeyahay caawiye arrimaha sharciga maxkamadda ah.
CODSASHADA AMARKA U SOO DHOWAANSHO LA’AANTA
Sida caadiga waxaa amarka u soo dhowaansho la’aanta laga codsadaa maxkamadda hoose ee degmada, waxaana inta badan lagu falanqeeyaa muddo dhowr toddobaad gudahood ah. Haddi loo baahdo, boolisku waxa uu amri karaa amarka u soo dhowaansho la’aanta kummeelgaarka ah ee isla markaaba dhaqangalaaya, kaasoo shaqayn doona tan iyo inta ay maxkamaddu arrinka ka falanqaynayso.
Amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa loo codsan karaa qaab aasaasi ah, mid ballaaran ama midka ah qoyska dhexdiisa.
- Qofka lagu soo rogay amarka u soo dhowaansho la’aanta aasaasiga ah, lama kulmi karo qofka laga ilaalinayo, sidoo kale lama xiriiri karo ama xittaa iskuma dayi karo arrinkaas. Sidoo kale qofka la ilaalinaayo lama dabageli karo, lamana kontorooli karo.
- Amarka u soo dhowaasnho la’aanta ballaaran waxaa loola jeedaa, in ay mamnuuc tahay in la tago ama loo dhowaado cinwaanka guriga ama shaqada ee qofka la ilaalinaayo. Codsashada amarka u soo dhowaansho la’aanta ballaaran waa in si taxaddar leh looga fiirsadaa, haddii codsadaha cinwaankiisu uu yahay mid sir ah oo qarsoon.
Amarka u soo dhowaansho la’aanta ballaaran waxaa loo xoojin karaa qaab farasamo ahaan ah, kaasoo ah amarka u soo dhowaansho la’aanta dusha laga ilaalinaayo, haddii ay jirto baahida ah in laga hortago faldambiyeed khatar ku keeni kara nolosha, caafimaadka iyo xoriyadda. Xaaladdaas oo kale waxaa qofka diidmada la amray lagu rakibi karaa tusaale ahaan qalab farsamo oo qaab waardiye ahaan ah, waana in uu wataa telefoonka sheegaaya meesha uu qofku joogo, waxaana iyadoo arrinkaas la raacaayo ay hay’adda fulinta ciqaabaha faldambiyeedyada (Rikosseuraamuslaitos) kala socon kartaa u hoggaansanka diidmada.
- Qofka lagu soo rogay amarka u soo dhowaansho la’aanta qoyska dhexdiisa ah, waa in uu ka baxaa guriga ay wadaagaan qofka kale, iyadoo aan loo eegeynin xiriirka dhanka ijaarka iyo lahaanshaha guriga. Amarka u soo dhowaansho la’aanta qoyska dhexdiisa ah marka la samaynaayo waxaa la amri karaa, ka hortagga halista ku wajahan nafta, caafimaadka ama xoriyadda qofka, laakiin looma amro arrinka ku saabsan qashqashaad jirta awgeed.
AMARKA U SOO DHOWAANSHO LA’AANTA MARKA UU GAARO MAXKAMADDA
Amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa lagu falanqeeyaa maxkamadda, iyadoo la eegaayo sababihii keenay codsiga diidmada, sidoo kale waxaa la dhegeysanayaa dhinacyada arrinku khuseeyo iyo markhaatiyaasha jooga goobta dacwad qaadista maxkamadda.
Sababaha horseedaya amarka diidmada waxaa ay noqon karaan xaalado markaa taagan, falal dambiyeedyo hore u dhacay ama qashqashaad, kuwaasoo ay suuraggal tahay in ay mustaqablka sii socdaan. Si kastaba xoogmuquuniska (väkivalta) ama rabshadaha dhacay, shardi uma noqon karaan in la amro u soo dhowaansho la’aanta. Amarka u soo dhowaansho la’aanta waa la amri karaa, xittaa haddii qofka amarka diidmada ah dalbaday uusan maxkamadda joogin.
Amarka u soo dhowaasnho la’aanta waxaa uu si dhkahso ah u dhaqangalayaa, islamarka la amro. Si kastaba ha ahaatee, jebinta amarka diidmada awgeed wax ciqaab ah laguma soo rogi karo qofka, ka hor inta aanay howlawadeennada dowladdu u sheegin qofka la faray amarka u soo dhowaansho la’aanta arrinka ku saabsan diidmada. Sidoo kale qofka loo amray diidmada u soo dhowaansho la’aanta ee arrinkaas isaga lagu ilaalinaayo, lama uu xiriiri karo kan la amray diidmada. Labada dhinac ee arrinku ka dhexeeyo, iyaga dhexdooda kama heshiin karaan arrinka ku saabsan joojinta diidmada, maxkamadda oo keliya ayaa laga dalban karaa burinta ama baabi’inta arrinkaas.
JJEBINTA AMARKA U SOO DHOWAANSHO LA’AANTA
Haddii amarka u soo dhowaansho la’aanta la jebiyo, waa in arrinkaas lagu wargeliyaa booliska. Haddii islamarkiiba booliska loo yeeray in ay goobta yimaadaan, waxaa lagammamaarmaan ah in loo sheego arrinka ku saabsan amarka u soo dhowaasnho la’aanta. Haddii loo baahdo waxaa boolisku ay goobta ka saari karaan, qofka laga mamnuucay inuu agagaarkaas yimaado. Jebninta amarka u soo dhowaansho la’aanta waa dambi, waxaana qofka dambigaas galay la siin karaa ciqaab ganaax ah ama ugu badnaan hal sano oo xabsi ah.
BUUXINTA CODSIGA AMARKA U SOO DHOWAANSHO LA’AANTA
Amarka u soo dhowaansho la’aanta waxaa laga codsadaa maxkamadda hoose, iyadoo la buuxinaayo foomka laga helaayo boggga internetka ee oikeus.fi. Waa muhiim in codsiga si taxaddar leh loo buuxiyo. Wixii caawimaad ah waxaa la weydiisan karaa caawiyaha arrimaha sharciga maxkamadda ama Heeganka dhibbanaha dambiga, kuwaasoo aad weydiin karto caawimaadda lacag la’aanta ah ee buuxinta foonka iyo qof caawiye ah oo kuu raaca kiiska dacwad qaadista maxkamadda.
Waxaa wanaagsan in codsiga lagu dhex xuso arrimaha soo socda:
- Maxaa dhacay, waa kuwee cidda dhankooda ay hanjabaadda ama qashqashaaddu ka imaanayso?
- Sharaxaadda ku saabsan nooca hanjabaadda ama qashqashaadda ee jirta iyo sharaxaadda ku saabsan arrimaha ay ka kooban yihiin waxyaabihii uu kula soo xiriiray.
- Intee goor ayay dhaceen arrimaha la xiriira qashqashaadda, dabasocodka iyo xoogmuquuniska, illaa muddo intee le’eg ayayna socdeen?
- Ma la sameeyay arrinka ah wargelinta dembiga (rikosilmoitus), amaba qaab kale ma loola xiriirey booliska?
- Dhakhtarka ma loo tagay?
- Ma jiraan wax tallaabooyin kale ah oo la qaaday, si loo joojiyo hanjabaadda ama qashqashaadda?
- Ma jiraa qof arkay, xaaladaha codsiga lagu sheegay?
- Carruur aan qaangaar ahayn ma ku lug lahaayeen xaaladda?
- Aragtida ku saabsan sii socoshada qashqashaadda ama hanjabaadda dambiga ee mustaqbalka.
- Sidee bay xaaladdu u saamaynaysaa nolosha caadiga ah- cabsi, nololwaanaagga guud iyo habsami u socodka howlaha nololmaalmeedka ee caadiga ah?
- Marka aad codsanayso amarka u soo dhowaansho la’aanta ballaaran, waa in la sheegaa goobaha amnidarrada laga dareemaayo.
- Badbaadada ma waxaad u raadinaysaa adiga nafsaddaada, mise sidoo kale ilmaha yar ee aan weli qaangaarin?
Codsiga waa in ay la socdaan caddaymo, kuwaasoo noqon kara:
- wargelinnada dambiga (rikosilmoitukset)
- caddaymaha dhakhtarka ama koobiga ku saabsan warbixinnada jirrada ama xanuunka
- qoraallada ay sameeyeen shaqaalaha sooshaalka iyo howlawadeennada guriga ammaanka
- warqado, iimeyllo, farriimo qoraal ah ama fariimo kale
- soo wicitaannada telefoonka ama kuwii isku dayga ahaa ee la qoray: tirada ay ahaayeen, watigii soo wicitaanka iyo waxa ay ka koobnaayeen
- Xaaladihii ay arkeen ama ay maqleen markhaatiyada lagu qoray foomka la soo xiriirista, sida deriska, saaxiibada iyo saaxiibbada shaqada
HEEGANKA DHIBANAHA DAMBIGA 116 006
La talinta telefoonka ee sharciyaqaanka 0800 161 177
Ku sheekeysiga dhanka internetka RIKUchat (riku.fi/chat)
RIKU waxaa ay si lacag la’aan ah adeeggeeda qaab internet ahaan ah (online) uga samaysaa dalka oo dhan, Telefoon ahaanna waxaa ay adeeggeeda ka bixisaa 7 xafiis gobboleed iyo 31 goobood oo baraha adeegga ah.
Dhammaan adeegyada oo dhan iyo macluumaadka la soo xiriirka riku.fi
Howshaan waxaa taageereysa Wasaaradda Caddaaladda.
Lähestymiskielto-esite somalin kielellä (pdf)